TURKIGA OO U YEERAY ERGOYINA DENMARK IYO HOLLAND.
(SAWIRKA)-WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA TURKIGA.
(ANKARA)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turkiga ayaa maanta oo Isniin ah waxa ey u yeertay Ergooyinka Safaaradaha dalalka Denmark iyo Holland kuna sugan magaaladda caasimadda ah ee Ankara,sababta loogu yeeray Ergoyinkan ayaa lagu lagu sheegay iney tahay Karaama Tiridda Kitaabka Quraanka Kariimka ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa tibaaxay iney tahay mid aan la qaadan karin sii socoshada weerarada “Karaahiyada ah”ee loo gaysanaayo Kitaabka alle mar uu la kulmaayey sii hayaha Safaaradda Denmark iyo ku simaha Qunsulka Holland caasimadda Ankara,sidaas waxaa laga soo xigtay ila wareedyo ku dhaw Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga balse aan loo ogolayn iney la hadlaan warbaahinta.
ISHA/WAKALADO.