TURKIGA OO DALKISA KA MUSAAFURIYEY 8,585 ARAGAGIXISO.
(Turkey):Dalka Turkiga ayaa dalkiisa ka musaafuriyey dad eey tiradoodu gaareyso sideed kun shan boqol iyo sideetan iyo shan(8,585)-qofood oo argagixisa ah una kala dhashay boqol iyo labo(102)-dal oo addunka ah marka laga soo bilaabo sannadkii laba kun iyo kow iyo tobankii(2011)-kii taasine waxa eey qeyb ka tahay sidii loo hubin lahaay amniga dalka Turkiga iyo isaga gudbidda xuduudaha dalka Turkiga sidaas waxaa sheegay wasiirka arrimaha gudaha dalka Turkiga.Shalay oo Sabti ahayd(30/10/2021)-ka.Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dalka Turkiga ayaa lagu sheegay dadkaas aragaixisada ah ee ka soo tegay wadamadii eey u dhasheen si eey ugu biiraan kooxaha argagixisada sida Daacish,PKK iyo kuwa ku xiran kooxo aragagixisa ah.
Dadka laga musaafuriyey dalka Turkiga ee dhan 8,585-qofood ayaa u kala dhashay Maraykanka 44-qofood,1,075-qofood waxay u dhalatay midawga reer Yurub(EU) dhamman dadkaas waxaa la wada musaafuriyey tobankii sano ee la soo dhaafay.Boqol iyo labaatan iyo lix(126) waxa eey ka yimaadeen wadamadda midawga Yurub(EU) waxaane la wada musaafuriyey sannadkii 2019-kii,sagaashan iyo shan(95) aragagixiso kana kala yimid sideed dal oo ka mida midawga Yurub(EU) waxaa iyagana la musaafuriyey sannadkii 2020-kii,lixdan iyo kow(61) aragaixiso kana kala yimid sideed dal kana mida wadamadda midawga Yurub(EU) waxaa iyagan la musaafuriyey tobankii bilood ee ugu horeeyey sasnnadkaan 2021-ka.XIGASHO DS.