(TURKEY):QARAX KA DHACAY WARSHAD SAMEYSA RASAASTA.
(SAWIRKA)-HALKA QARAXA UU KA DHACAY.
(ISTANBUL)-Wararka ka imanaayo magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaayo in Qarax uu ka dhacay Warshad sameysa Rasaasta kuna taalo Waqooyi-Galbeed Turkiga,Qaraxa ayaa sababay dhimashada ilaa 11-Qofood iyo dhaawac dhan ilaa 5-Qofood,subaxnimadii maanta oo Talaada ah. Qaraxa ayaa ka dhacay Gobolka Balikesir sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Turkiga ee ANADOLU, Warshada ayaa ku tiilay meel miyi ah oo ka fog xarumaha dadka ku badan yihiin waane midaas tan yareysay khasaaraha. Gudoomiyaha Gobolka Balikesir Ismaaciil Ustaoglu ayaa sheegay in Qaraxa uu dumiyey dhismaha Kabsulka isla markaasne dhismayaashii ku hareereysnaay uu soo gaaray burbur aad u yar. “Qaraxa waxaa sabab u ahaa arrin farsamo,mana jirto wax suuratagal ah oo Qaran dumis ah,ayuu raaciyey hadalkiisa Gudoomiye Ismaaciil. Wasiirka Cadaaladda dalka Turkia Yilmaz Tunc ayaa bartiisa bulshada ee X ku soo qoray in Xeer ilaalinta loo xil saaray iney soo baaraan sababta keentay Qaraxa Warshada sameysa Rasaasta.
ISHA-VOA.