(TUNIS)-162-MEYD OO BADDA LAGA SOO SAARAY.
(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.
(TUNIS)-Ilaalada Qaranka Tunisia ayaa sheegay Isniintii in ciidamadoodu ay soo badbaadiyeen 612 Tahriibayaal ah ayna soo saareen meydadka 18 kale ka dib howlgalo dhowr ah oo xalay laga sameeyay Xeebaha Mediterranean-ka ee dalkaasi. Isagoo la wadaagaya sawirada qaar ka mid ah dadka la soo badbaadiyay oo ay ku jiraan Haween iyo Caruur, ka dib markii ay la qalibantay doonyihii ay la socdeen, ciidamada ayaa sheegay in dhamaantood ay ahaayeen Tahriibayaal ka yimid Wadamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika oo doonayay inay badda uga gudbaan Yurub.
Dadka badbaaday ayaa lagu soo badbaadiyay dhowr howlgal oo laga sameeyay Gobolka Sfax ee Bariga Bartamaha dalka ka dib markii doonyihii ay la socdeen ay dageen ama ciladoobeen, sida uu sheegay ilaalada Qaranku. Dadka daallan oo ay ku jiraan Haween iyo Carruur oo qaarkood ay u muuqdaan inay dhinteen, ayaa lagu arkayaa sawirrada. Qaar ayaa lagu sawiray iyagoo ku dheggan doony waa weyn. Sawir kale, haweeney ayaa ku dhibtooneysa inay kor u qaaddo cunug, jirkiisa oo adag oo u muuqda mid aan naf laheyn, iyadoo la raacayo doonta badbaadada. Xubnaha ilaalada badaha "waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhowr isku day oo kala duwan oo ay ku doonayeen inay Yurub si Qarsoodi ah ku gaaraan," ilaalada Qaranku waxay ku sheegeen War Saxaafadeed.
Marka laga soo tago Liibiya, Tunisiya ayaa sanadihii ugu dambeeyay noqotay meel ay ka dhoofaan Waqooyiga Afrika Muhaajiriinta ka gudbaya badda Mediterranean-ka ee halista badan iyagoo rajo ka qaba inay nolol wanaagsan ka gaaraan Yurub.
Xeebteeda meelaha qaar waxa ay wax ka yar 150 kiiloomitir (90 mayl) u jirtaa Jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa, inta badan dekeddii ugu horeeysay ee ay soo degaan. Sannad kasta, tobanaan kun oo qof ayaa isku daya inay ka gudbaan.
ISHA-AN.