TOOGASHO KA DHACDAY GOBOLKA TENNESSEE EE…
CELESTE MURPHY.
(CHATTANOOGA)-Toogasho ka dhacday meel u dhaw goob habeenkii lagu caweeyo gobolka Tennessee ee dalkaas Maraykanka maanta oo Axad ah,toogashadaas ayaa waxaa ku dhintay 3-qofood waxaane ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa iyo 14-qofood oo kale sida uu sheegay booliska. 14-qofood waxaa haleeshay xabad 3-qofoodne waxaa ku dhacay baabuur ka baxsanaayey toogashada sida eey sheegtay taliyaha boolisk ee magaaladda Chattanooga Celeste Murphy. “Laba qofood waxa eey u dhinteen dhaawicii ka soo gaaray toogashadda,hal qofne baabuur ayaa ku dhacay, 16-ka qofood oo dhibanayaasha ah waa dad waa weyn midne waa dhallinyaro,dad kala duwan ayeyne xaaladoodu aad u liidataa”sidaas waxaa warbaahinta la wadaagtay taliyaha booliska ee Chattanooga.
ISHA WARKA AP.