TOOGASHO KA DHACDAY DUGSI KU YAALO FINLAND.

(SAWIRKA)-BOOLISKA FINLAND

(FINLAND)-Wararka ka imanaayo dalka Finland ayaa sheegaayo in wiil 12-jir ah oo looga shakisan yahay inuu toogasho ku dilay wiil ey isku fasal ahaayeen kuna dhaawacay laba gabdhood oo wax ka barta dugsi kale oo isna ku yaalo dalka Finland ayaa sheegay in toogashada uu sameeyey ey ku faliftay Cagajugleyn, sidaas waxaa sheegay ciidanka booliska. Caalamku waxa uu u baahanyahay goobo baroor diiq loogu sameeyo dadki la dilay halka dal ku yaalo Waqooyiga Yurub laga xuso maalin Baroor Diiq ah,maalin ka dib markii wiilkan uu rasaas ku furay fasal uu ku sugnaay oo ku yaalo magaaladda Vanta ee dalka Finland. Sababta falkaan ayaa lagu tilmaamay iney tahay Cagajuglayn ayuu boolisku ku sheegay hadal uu soo saaray. “Eedasanuhu wuxuu booliska u sheegay intii ey su’aalaha weydiinayeen inuu ahaa dhibane loo Cagajugleyey,xogta ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey baaritaan hordhac ah oo uu sameeyey booliska”. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Eedeysanaha uu ahaa arday wax ka baranaayey dugsiga tan iyo bilawgii sannadka. Waxay sheegeen iney baaritaankooda ku ogaadeen inuu u hanjabay arday kale oo u socday dugsiga. Sida uu sheegay Tv-ga MTV Uutiset oo ka tirsan telefishanka dalka Finland wiilka ayaa markii uu gaysanaayey falka toogashada ah soo xirtay Indho-Shareer iyo samaacado Garbeed si uu isu qariyo una baabi’iyo raadkiisa. Ilmaha la dilay oo ahaay 12-jir u dhashay dalka Finland ayaa isla goobta ku dhintay iyadoo tuhmanuhu uu goor hore ka baxsaday dugsiga markii ey boolisku yimaadeen. Booliska ayaa furay baaritaan la xiriira dil iyo isku day dil balse waxay sheegeen in Eedaysanaha lagu wareejiyey Adeegyada Bulshada(Social Services) maadaama aan wiilkan yar lagu hayb karin xabsiga booliska sababo la xiriiro da’adiisa. Qorayga lagu fuliyey dilka toogashada ah ayaa waxaa iska lahaay nin qaraabo dhaw ey yihiin wiilka wax toogtay,sida ey sheegeen hayadaha amniga dalka Finland.

ISHA/SBM.

Previous
Previous

SHARCI MIYAA IN SHAQADA LAGA SAARO SAMIRA?

Next
Next

ITOOBIYA OO KU GUUL DARAYSATAY BIXINTA DEYMAHA.