TOOGASHO KA DHACDAY DALKA SLOVAKIA.
BRATISLAVA.
(BRATISLAVA)-Booliska dalka Slovakia ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay ineey heleen meydka qofkii lagu tuhmaayey inuu kula kacay toogashada xun laba qofood gabal dhicii shalay oo Arbaca ahayd gudaha caasimadda dalka Slovakia ee Bratislava,toogashada eey ku dhinteen labada qofood ayey saraakiisha qaarkood ku tilmaameen ineey ahayd mid la xiriirto Nacayb. Toogashada dhacday shalay oo Arbaca ahayd ayaa waxaa ku geeriyooday laba qofood oo rag ah waxaane ku dhaawacmay hal qof oo dumar ah waxa eeyna toogahada ka dhacday meel u dhaw maqaayad eeyna aad ugu badan yihiin dadka laga roonayaasha ah ee LGBTQ ee caasimadda Bratislava.
ISHA WARKA AP.