TALIYIHII SALDHIGA OO KU DHNTAY DAGAALKA DEGMADA BERDAALE.
(SAWIR)-KA.TALIYAHA SALDHIGA DEGMADA BERDAALE EE G/BAY.
(BAYDHABO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa sheegaayo in maanta Degmada Berdaale ee Gobolka Bay uu ka dhacay dagaal fool ka fool una dhexeeyey Ciidamadda Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Ciidamo u abaabulan qaab beeleed,dagaalkan ayaa salka ku haayo cidda maamuleyso Degmada Berdaale ee Gobolka Bay,haddii aan si kale u dhigno dagaalka ayaa u qaabeysan qaab Qabiil oo waxaa gadaal ka taagan Siyaasiyiin iska soo horjeedo kana soo kala jeedo Beelaha Leysaan iyo Xariin oo ka wada tirsan Mirifle. Madxweyne C/casiis Laftagareen waa masuulka ugu weyn ey Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ku Eedeynayaan inuu yahay shaqsiga hurinaayo colaad ka taagan Degmada Berdaale ee G/Bay waayo Beesha uu ka dhashay Madaxweyne Laftgareen uma badna Degmada Berdaale waxaane la sheegaa in degmadaan ey wada degan yihiin beelaha Asharaaf iyo Leysaan oo ka wada tirsan Mirifle. Dagaalka dhacay maanta ayaa waxaa weerar soo qaaday maleeshiyaadka Beesha Laysaan kuwaaso todobaad ka hor lagu dhibaateeyey laguna ihaaneystay magaaladda Berdaale gudaheeda ka dib markii lagu sheegay iney yihiin shufto isbaaro u taalo wadooyinka Degmada Berdaale,dadkii laga qabtay beesha Laysaan qaarkood ayaa Baraha Bulshada la soo dhigay ayagoo loogu qubeynaayo Shamiindo la soo Qasay,arrintaas ka dhacday Berdaale ayaa waxaa ka dambeeyey Taliyaha Booliska ee G/Bay Amin Mad-Daruur iyo ciidamo uu watay,taliyahaan ayaa ku heyb ah Madaxweyne C/casiis Laftagareen,mana la bedelo oo xilka taliyaha waxa uu hayaa ilaa waqtigii Laftagareen uu yimid Koonfur Galbeed sannadkii 2018-kii. Dagaalka maanta ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan C/qaadir Maxamed waxa uuna sheegay Wasiirku in Degmada Berdaale ey soo weerareen kooxda Alshabaab ah la iskana caabiyey lagana saaray gudaha degmada Berdaale mar uu Wasiirku u waramaayey Raadiyaha iyo Tv-ga maamuulka Koonfur Galbeed Soomaaliay,dhinaca kale,waxaa dagaalka ku geeriyooday Taliyihii Saldhiga Degmada Berdaale X/le.Cali Barraw iyo laba qofood oo dumar ah oo wiifto guryahooda ugu tagtay,waxaane ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa todobo qofood.
ISHA/SB-MEDIA.