TAHRIIBKA NUUCA CUSUB OO BILAWDAY MAR…

(SAWIRKA)-TAHRIIBKA XUDUUDA YURUB.

(LONDON)-Tahriibka waxa uu ka mid yahay waxayaabaha lagu aafeeyo Mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed,arrintaan ayaa waxaa qeyb ka ah dad masuuliyiin ah kana tirsan maamuladda dalka ka jiro kuwaaso u fududeeyo in dadka wax Tahriibiyo ey helaan fursado ey ku fushadaan hawshooda. Tahriibka ayaa ah shaqo ey dad manaxayaal ah ey ka sameeyaan dhaqaale aad u fara badan oo aan la sheegi karin inta uu dhan yahay, Tahriibku ma yahay hadaba mid u dhaca sidii la rabay oo dadka la Tahriibinaayo mala geeyaa halkii loo soo sheegay? Dhammaadii sannadkii hore 2024-kii ayey si rasmi ah ey kooxo Muqalasiin ah u bilaabeen in dadka ey ka iibiyaan wax ey ugu yeereen”LEYMAN BUUFIS AMA DHOOF AH” oo qofka ugu dambeyana la geyn doono dalka Faransiiska. Jidka cusub ee tahriibka ayaa ah mid ka duwan dhammaan kuwii hore loo yaqiin sida dhulka Saxaraha Suudaan ilaa Liibiya ama dariiqyadda kale ee dhanka duulimaadka ee dadka lagu geeyo Yurub ama Laatiin Ameerika. Waa Jazeerad lagu magacaabo MAYOTTA waxa eyna hoos tagtaa dalka Faransiiska oo calankiisa ayaa ka dul babanaayo, dadkane waxaa loo sheegaa marka ey tagaan Jazeeradaas iney qaadanayaan sharci ka dibne ey si sahlan u gelayaan dalka Faransiiska.

ISHA-BBC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

9-MUHAAJIRIIN OO LAGA SOO FURTAY MA GEFE.

Next
Next

URURADDA SADC IY EAC OO KA SHIRAY XAALADDA DRC.