TAHRIIBAYAAL LAGU QABTAY DALKA SWITZERLAND.
TAHRIIBAYAAL.
(GENEVA)-dalka Talyaaniga waxaa tahriib ku gala dad fara badan kana kala yimid Qaaradaha Aasiya iyo Afrika dadkaasi waxa eey dalka Talyaaniga uga sii gudbaan wadamada kale ee Qaaradda Yurub si eey halkaasi uga helaan nolol dhaanta tan eey ku haystaan dalka Talyaaniga,hadaba booliska dalka Switzerland ayaa maanta oo Talaada ah sheegay ineey qabteen 23-ruux oo tahriibayal ah laguna soo dhex qariyey gudaha bas alaabada u kala qaada dalalka Talyaniga iyo Switzerland,baska weday tahriabaysha ayaa lagu joojiyey goob eey baaritaan ka sameeyaan ciidamadda Switzerland ee ilaaliya xuduuda u dhexeeyso Talyaaniga iyo Switzerland. Baabuurka eey saarnaayeen tahriibayaasha ayaa ah mid ka diiwaan gasahan dalka Talyaaniga dadka la qabtay ayey boolisku ku sheegeen in da’adooda u dhexeyso 20 ilaa 50 sano jir una kala dhashay dalalka SUURIYA,AFGAANISTAAN,HINIYA IYO BANGALADEESH,darawalka weday gaariga eey saarnaayeen tahriibayaasha ayaa u dhashay dalka Gaambiya waxaane da’adiisa lagu sheegay ineey tahay 27-jir.
ISHA WARKA AP.