TAHRIIBAYAAL LA SOO HELAY MEYDADKOODA.

MEYDADKII TAHRIIBAYASHA LA HELAY.

(ATHENS)-Waxaa weli dalka Giriiga ka socdo baadi goobka loogu jiro dad ka soo tahriibay dalka Turkiga oo deris la ah dalka Giriiga dadkaaso ku soo tahriibay dooni nuuca shiraaca ah maalintii Talaadada ee ina soo dhaaftay,ciidamadda ilaalada xeebaha ee dalka Giriiga ayaa sheegay ineey ugu yaraan 5-caruur ah eey ka mid yihiin 22-qofood oo la xaqiijiyey ineey ku dhinteen doontii eey la socdeen ka dib markii ey ku degtay xeebaha dalka Giriiga,doonta degtay ayey sheegeen ciidamada ilaalada xeebaha dalka Giriiga ineey waday dad tahriibayaal ah,warkaas ayaa maanta oo khamiis ah waxa uu ka soo baxay ilaalada xeebaha Giriiga. Sida laga soo xigtay ilaalada xeebaha Giriiga waxaa weli socdo baadi goob loogu jiro dad kale oo la la’ayahay kuwaaso tiradooda lagu sheegay ineey dhan tahay 34-qofood. Waxaa nolol lagu helay 12-qofood oo rag ah tan iyo markii ey degtay doonta waday tahriibayaasha kuna degtay biyaha Treacherous ee u dhexeeyo Jaziiradaha EVIA iyo ANDROS kuwaso ku yaalo bariga caasimadda dalka Giriiga ee Athens.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

FARMASHIYEYAASHA WALGREEN IYO CVS OO…

Next
Next

REYSAL WASAARIHI HORE EE PAKISTAN OO LA….