TAHRIBAYAAL SOOMALI IYO ITOBIYAN AH OO LAGU…
SOMALI MUHAJIRIIN AH OO LAGU XIRAY ZAMBIA.
(LUSAKA)-Ciidamadda booliska ee Waqooyiga dalka Zambiya ayaa xabsiga u taxaabay dad dhan 15-qofood oo ah Muhaajiriin aan sharci haysan maalintii shalay oo ahayd Axad-19/2/23-ka,waxaane la rumaysan yahay in Muhaajiriinta la qabtay ineey yihiin Itoobiyaan. hayadaha amaanka dalka Zambia ayaa rumaysan in Muhaajiriintaan ey ku jiraan kuwa Soomaali ah,dadkaan la qabtay ayaa wada ah Rag waxa eyna da’adoodu u dhexeysaa 17 ilaa 28-sano waxaane laga soo wada helay ayagoo wada saaran gaari qaada xamuulka kana diiwaangasha dalka Tanzania,baabuurka ey saarnaayeen Muhaajiriinta ayaa weday Curiyaha Sulfar kaaso ah mid aad Sun u ah qofkii neefasadana uu u dhiman karo.
ISHA WARKA AA.