SWEDEN OO KU KACDAY URURKA PKK.
MIDAWGA YURUB.
(SWEDEN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka sweden Tobias Billstrom ayaa sheegay hawlgalada uu ururka PKK uu ka dhex wado dalka Sweden ayaa carqaladeynayo juhdiga uu dalka Sweden ku bixinaayo ku biiridda isbahaysiga Mileteri ee reer Galbeedka NATO. “Sababta uu Turkiga uusan weli u ogolaan inaan ku biirno NATO ayaa waxaa u sabab ah dhaqdhaqaaqa baahsan ee ururka PKK ee argagixisada ah”sidaas waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden Tobisa Billstrom mar uu wareysi siinaayey wargayska Swedish Daily Dagens shalay oo Arbaca ahayd.
ISHA WARKA MEMO.