SOOMALIYA OO KU BIIRTAY URURKA EAC.
(SAWIRKA)-MW-XASAN OO LA KULMAY MW-SALVA KIIR K/SUDAN.
(ARUSHA-TANZANIA)-Wararka ka imaanayo dalka Tanzania ayaa sheegayo in dalka Soomaaliya loo ogolaaday iney noqoto xubintii sideedaad ee Ururka Bulshada Bariga Afrika(EAC) Jimcihii shalay ahaay 24/11/23-ka,waxaane sannad laga joogaa markii uu dalka Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo(DRC) uu ku soo biiray isla dalladda ey Soomaaliya ku biirtay ee (EAC). Ku biiritaanka ey Soomaaliya ku biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika(EAC) ayaa waxaa ansixiyey Madaxda Dawladaha Gobolka intuu uu socday shirkii caadiga ahaay ee 23-aad ee Madaxda Dawlad Goboleedyada oo isna ka dhacaayey magaaladda Caruusha ee dalka Tanzania ka dib wada xaajood guul ku soo dhammaaday kaaso soo socday muddo sannad ku dhaw. Gudoomiyaha xilka ka sii degaayey ahne Madaxweynaha dalka Burundi Evariste Ndyishimiya ayaa sheegay in madaxda Dawlad Goboleedyada ey si rasmi ah isugu raaceen in Soomaaliya ka mid noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika(EAC) ka dib markii Madaxda gobolka ey galeen Shir albaabada u xiran yihiin oo qaatay in ka badan shan saacadood.
ISHA.EAST AFRICAN.