SOOMALIYA OO HELI DOONTO DHAQAALE DHAN..
BANGIGA ADDUUNKA.
(SOMALIA)-Bangiga adduuna(WORLD BANK) ayaa maanta oo khamiis ah sheegay inuu dalka Soomaaliya siin doono lacag dhan boqol milyan($100-milyan) oo doolarka Maraykanka laba iyo tobanka bilood ee soo socota,balan qaadka uu sheegay bangiga adduunka ayaa yimid ka dib markii agaasimaha bangiga adduunka Kristina Svensson eey la kulantay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho,taageeradaan uu bangiga adduunka siinaayo dalka Soomaaliya ayaa imaaneyso ka dib markii eey dalka Soomaaliya iyo wadamadda Geeska Afrika eey ku dhufatay abaar ba’an waane abaartii ugu xumeed ee soo marta gobolka Geeska Afrika muddo dhan afartan(40)- sano ah.
ISHA WARKA ANADOLU.