SOOMALIYA IYO HUBKA EY SOO IIBSAN KARTO.
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD.
(NEW YORK)-Marka laga hadlaayo arrimaha hubka iyo Soomaaliya waxaan isla markiiba soo xusuusanaynaa in dalka Soomaaliya ey saarneyd Cunaqabateyn dhinaca hubka ah marka laga soo bilaabo sannadkii 1992-dii waqtigaaso dalka Soomaaliya uu ka socday dagaalka sokeey eyna ku geeriyoodeen kuna barakaceen dad Soomaaliyeed oo aad u fara badan,hadaba kowdii bishaan Disembar-2023-ka waxay Soomaaliya u ahayd maalin taariikhi ah ka dib markii laga qaaday Cunaqabateyntii dhinaca Hubka ee saarneed muddo dhan 31-sano oo xiriir ah. Fadhi ey yeesheen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoode ayaa waxaa si aqlabiyad loogu ansixiyey in dalka Sooaaliya laga qaado Cunaqabateyntii hubka ee saarneed muddo 31-sano ah,ujeedka dalka Soomaaliya loo saaray Cunaqabateynta ayaa lagu sheegay iney ahayd qulqulka Hubka Soomaaliya oo gaaray heer xad dhaafa ah.
ISHA/CAASIMADDA.