SOOMALAIYA IYO MASAR OO KALA SAXIIXDAY HESHI…

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR.

(QAAHIRA)-Isbedel cusub oo ku yimid Xiriirka labada dal iyo shir Madaxeedkii afaraad ee muddo sannad ah gudihiisa ah,ayaa Madaxweynaha dalka Masar Md/C/fataax EL-Sisi iyo dhigiisa Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud waxa ey kala saxiixdeen baaq siyaasadeed oo kor loogu qaadaayo xiriirka dalalka Masar iyo Soomaaliya oo la gaarsiiyo heer iskaashiga Istaraatijiyadeed.

KOR U QAADIDA XIRIIRKA…IYO QORAALADDA ISFAHANKA.

Arrintaan ayaa ku soo beegantay xilli maanta oo Khamiis ah magaaladda Qaahira ee ah Caasimadda dalka Masar uu ka dhacay kulan iyo wada hadallo balaaran oo labada Madaxweyne ey ku yeesheen magaaladda Qaahira ee caasimadda dalka Masar,iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu booqasho rasmi ah uu ku tegay dalka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar halkaaso dhigiisa Masar ey wada hadlo balaaran ey yeesheen wafdiga labada dal,waxaeyna labada dhinac ey kala saxiixday heshiisyo is-afgarad ah. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh iyo Madaxweyne EL-Sisi ayaa ka wada hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan xaaladda Gobolka gaar ahaan xaaladda Amni iyo mida Siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo Amniga Badda Cas iyadoo labada Madaxweyne ey isla garteen baahida loo qabo in la xoojiyo dadaaladda lagu sugaayo Nabadda iyo Amniga muhiimka ah ee Gobolka. Madaxweynaha dalka Masar EL-Sisi ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay kulanka ka dib ku sheegay in la isku afgartay”Shir Madaxeedka Asmara”ee u dhexeeyey Masar,Soomaaliya iyo Eritereeya ee qabsoomay 10-kii Oktoobar 2024-kii uu ka tarjumaayo horumar tayo leh oo ku aadan xiriirka iyo isku xirka seddexda dal. Waxaa kaloo la isla gartay muhimadda ey leedahay in la qabto shir Madaxeed labaad si loo xoojiyo iskaashiga.

HORUMARKA XIRIIRKA MILETERI EE LABADA DAL:

Dhinaca Ciidamadda,labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la sii wado shaqada wadajirka ah ee lagu dardargelinaayo hab maamuska iskaashiga Mileteri ee ey labada dal ku kala saxiixdeen magaaladda Qaahira Agoost-2024-kii,ujeedaduna tahay in la xoojiyo awooda Qaranka Soomaaliyeed iyo Hayadaha Qaranka si loo sugo Amniga iyo Xasiloonida iyo la dagaalanka Argagixisada iyo Ururada Xagjirka ah. Madaxweynaha dalka Masar ayaa sheegay in laga wada hadlay arrinta ku saabsan ka qeybgalka ciidamadda Masar ee hawlgalka cusub ee Midawga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM,isagoo carabka ku adkeeyey in la doonaayo in la gaaro Amni iyo Xasilooni ka dhalata dalka Soomaaliya isla markaane ujeedkeedu ahayn in dalna la handado. MW-El-Sisi ayaa intaas raciyey”Ka qeybgalkeyna waa mid wanaagsan,in ka badan sodon sano waxa aan la xanuunsaneynay waxa ka socdo dalka Soomaaliya,ka qeybgalkeyna wuxuu ugu horeyntii uga gol leenahay inaan garab istaagno walaalaheyn Soomaaliya”.

AMNIGA SOOMAALIYA AYAA QEYB KA AH AMNIGAMASAR:

Sidoo kale,Madaxweynaha Masar ayaa carabka ku adkeeyey in Amaanka iyo Xasiloonidda Soomaaliya ey qeyb muhiim ah ka yihiin Amniga Qaranka Masar. Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan uu bishii hore ku dhawaaqay heshiis uu ku tilmaamay inuu yahay mid taariikhi ah oo lagu soo afjaraayo xurguftii u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobiya ee uu Turkigu kafaala qaaday,taaso dadka wax falaqeeya ey u arkeen talaabo lagu wiiqayo horumaradii ugu waa weynaa ee laga gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Masar Sannadkii la soo dhaafay si looga jawaabo khataraha Itoobiya ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

MW-Dr.XASAN SHEEKH OO LA KULMAY GUD.BAAR..

Next
Next

MAXKAMADDA ICC-DA OO WAARAN SOO QABASHO U JARTAY…