SOOMAALIYA OO QEYBGASHAY SHIRKA COP29.
(SAWIRKA)-WASIIRAD KHADIIJA.
(BAKU)-Wasiiradda Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiija Maxamed AL-Makhzuumi ayaa maanta Hoolka UK PAVALION ee uu ka socdo shirka COP29 ayey kaga qeybgashay Madal ey goobjoog ka ahayd Wasiiradda Horumarinta dalka Boqortooyadda Ingiriiska Anneliese Dodds. Dalka Soomaaliya ayaa dhaqaale dhan $79.7-Milyan oo doolarka Maraykanka ah waxa uu ka helay Sanduuqa Cagaaran ee Cimiladda ee GCF, waxaane loogu talagalay in wax loogu qabto Mashruuca Adkeysiga Cimiladda ee Beeraha loona yaqaano UGBAAD,Mashruucaan ayaa waxaa iska kaashanaayo Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hayadda Cuntada Adduunka ee FAO. Mashruuca wuxuu muhiim u yahay Xoojinta Nidaamka Cuntada ee Soomaaliya,waxa uuna si dhaw ula jaanqaadaa yoolalka Qorshaha Waxaqabadka Qaranka(NAP) iyo(NDC) kuwaaso gacan ka geysanaaya Horumarka Waara iyo u Adkeysiga Cimiladda. Ansixinta Mashruucan muddo gaaban oo shan bilood ah waxay muujineysaa waxtarka dadaaladda joogtada ah ey wado Dawladda Federaalka Soomaaliya,fududeynta habraacyada iyo saameynta ey leeyihiin iskaashiyadda xoogan ee Caalamiga ah. Wasiirad Khadiija ayaa carabka ku adkeysay muhimadda ey leedahay Hogaanka Siyaasadeed ee joogtada ah,taageeradda farsamo iyo Iskaashiga lama huraanka ah ee dalka Soomaaliya iyo Hayadaha Caalamiga ah si loo gaaro Horumar waara. Gunaanadkii Madasha,Wasiirad Khadiijo ayaa ballan qaaday in dalka Soomaaliya uu sii wedaayo dadaaladda ku aadan yoolka Cimiladda iyo Horumarinta Waara,Soomaaliyana waxa ey diyaar u tahay in mustaqbalka laga dhigo dal leh Adkeysi Waara.
ISHA-SNTV.