SOOMAALIYA OO LACAG KA HESHAY IMF-TA.
HAADDA LACAGTA ADDUUNKA IMF.
(WASHINGTON)-Gudiga Sare ee Hayadda Lacagta Adduunka ee IMF waxay dhammaystireen dib u eegistii ugu horeysay ee hoos timaada nidaamka amaahda la dheereeyey ee Soomaaliya(ECF). Go’aanku wuxuu ogolaanayaa in si deg deg ah loo bixiyo ilaa 10-Milyan oo doolarka Maraykanka ah si Soomaaliya loogu taageero Siyaasadeeda dhaqaalaha iyo dib u habeynta. Koboca GDP-ga dhabta ah ayaa la filayaa inuu kordho 3.7-boqolkiiba sannadkan 2024-ka marka la barbar dhigo 2.8-boqolkiiba sannadkii hore 2023-kii oo lagu taageeraayo soo kabashada sii socota ee Beeraha,Xawaaladaha badan,iyo Maalgashiga sare. Soomaaliya waxay sii waday iney horumariso Ajandaheeda dib u Habaynta,waxqabadka Barnaamijkuna wuxuu ahaa mid xoogan. Mudaanta Siyaasadeed waa in la joogteeyo joogtaynta Maaliyadda,Xoojinta Dakhliga iyo Maamulka Maaliyadda Dawladda,kor u qaadida qoto dheeraanta maaliyadda,hagaajinta maamulka,iyo kor u qaadida tirakoobka.
ISHA/IMF.