SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKII KAMPALA.

(SAWIRKA)-DALAGA CUNTADA SOOMAALIYA.

(KAMPALA-UG)-Xildhibaanadda Wadamadda Bariga Afrika ayaa loogu baaqay iney soo saaraan sharci taageeraayo cuntooyinka wadaniga ah si ey u noqoto tallaabo istaraatiiji ah oo lagula dagaalamaayo Cunto-Yaridda ba’an ee Gobolka. Baaqan ayaa laga soo saaray shirweynihii 6-aad ee Isbehaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Haqab-Beelka Cuntada iyo Nafaqeynta(EAP-FSN) ee ka dhacay magaaladda caasimadda u ah dalka Ugaandha ee Kampala taariikhdu markeey ahayd 27/11/2024-ka. Khudbad ey jeedisay iyadoo ku hadleysay magaca Afhayeenka Anita Mid oo ey jeedisay Ms.Robinah Rwakoojo(Xildhiban degmada Gomba Galbeed),afhayeenku wuxuu ku nuux-nuuxsaday muhimadda ey leedahay ilaalinta cuntooyinka wadaniga ah,kuwaaso inta badan la iska indha tiro “dalagyada ganacsi ahaan loo wado”. “Golahani kaliya ma aha inuu ogaado caqabadaha jira,waxa kale oo ey ku saabsan tahay abuurista xalal waara,wax ku ool ah,oo ku qotoma hiddaha dhaqameed ee hodanka ah. Mid ka mid ah xalalka ugu muhiimsan ee ina horyaalo waa horumarinta cuntooyinka wadaniga ah ee aan kaliyah ahayn Nafaqo laakin sidoo kale u adkeysta Cimiladda. Cuntooyinka Wadaniga ah ee la iloobay ayaa inta badan fure u ah la dagaalanka Nafaqa-Xumida,hagaajinta sugnaanta cuntada iyo la qabsiga saameynta isbedelka cimilada”ayaa lagu yiri khudbadda.

ISHA-MONITOR.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

RW-XAMSE OO U SAFRAY DALKA KENYA.

Next
Next

ASKERIGII LA DHAAWACAY CADAALAD MA HELI DOONAA?