SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA WASHINGTON.

(SAWIRKA)-SHIRKA WASHINGTON.

(WASHINGTON)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Md.Biixi Imaan Cige uu kulamo gaar ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Adduunka(WB) iyo Ku-Xigeenkiisa. Wasiir Biixi ayaa ka qeybgalay shirka Guud ee Wasiiradda Maaliyadda ee dalalka Qaaradda Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka xilli uu soconaayey shirka Xilliga guga’a ee Hayadda Lacagata Adduunka(IMF) iyo Bangiga Adduunka(WB). Wasiirka Maaliyadda XFS oo metelaayey dhammaan Wasiiraddii Maaliyadda ee shirka ka soo qeybgalay kuna hadlay afkooda ayaa jeediyey khudbad uu ku faahfaahinaayo habka u Nuglaanshaha Deymaha,ka soo kabashada iyo kobcinta dhaqaalaha. Tan iyo wixii ka dambeeyey bishii Diseembar ee sannadkii 2023-kii dalka Soomaaliya waxa uu Tusaale lagu daydo u ahaay dalalka soo koraayo ee deymaha lagu leeyahay. Dhinaca kale,Wasiirka Maaliyadda XFS Md.Biixi iyo wafdigiisa ku wehliyo shirarka ka socdo Washington waxa ey shir gaar ah kuna saabsan arrimaha Soomaaliya la yeesheen Madaxweyne Ku-Xigeenka Bangiga Adduunka(WB) qeybta Bariga iyo Koonfurta Qaaradda Afrika,shirkaas ayaa si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray houmarinta iyo balaarinta taageeradda Bangiga ee dalka Soomaaliya. Bagiga Adduunka waxa uu ka mid yahay Saaxibadda dalka Soomaaliya ee ka qeyb qaata fulinta Mashaariicda horumarineed iyo dib u habeynta Maaliyadda oo hadda meel aad u wanaagsan maraysa.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO IS HORTAAGAY FALASTIIN.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKII AMNIGA EE..