SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA DOOXA.

(SAWIRKA)-WASIIR FARTAAG.

(DOHA)-Wararka aan ka heleyno caasimada dawladda Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS Md.C/laahi Sheekh Ismaaciil(Fartaag) uu magaaladda Dooxa ee dalka Qadar uu kaga qeybgalay Daah-furka Daabacaadda 15-aad ee bandhiga Milipol Qadar oo ah dhacdo heer caalamia ah taaso diiradda lagu saaraayo Amniga Gudaha iyo kan heer caalami. Bandhigaan oo ey soo qabanqaabisay Wasaaradda Amniga Gudaha ee dawladda Qadar ayaa ka dhacay Xarunta Bandhigyadda iy Shirarka ee caasimadda Dooxa,waxaane ka soo qeybgalay Wasiiro iyo Masuuliyiin sar sare oo ka kala yimid dalal kala duwan oo ka tirsan caalamka. Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS Md.Fartaag ayaa soo bandhigay doorka Soomaaliya ee ku aadan xoojinta Iskaashiga Amniga Caalamiga ah iyo Muhimadda ey leedahay in la wadaago Teknoolojiyadda casriga ah ee lagu horumarinaayo Amniga iyo Nabadgelyadda guud ahaan adduunka. Milipol Qadar oo ah mid ka mid ah bandhigyadda ugu waa weyn ee loogu hadlo Amniga,ayaa sannadkan lagu soo bandhigay adeegyo iyo nidaamyo cusub oo lagu horumarinaayo Amniga Caalamka,kuwaaso la filaayo iney kor u qaadaan Iskaashiga Amniga iyo xasiloonida Caalamiga ah.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

HESHIIS IS-AFGARAD OO DHEXMARAY SOOMAALIYA IYO..

Next
Next

SOOMAALIYA OO DALKEEDA KA ERIDAY LA TALIYE ITOOBIYAAN AH.