SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA 46-AAD EE…

(SAWIRKA)-WAFDIGA SOOMAALIYA EE JOOGA CARUUSHA.

(ARUSHA-TZN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Danjire.Axmed Macallin Fiqi ayaa dalka Soomaaliya ku metelay Shirkii caadiga ahaa ee 46-aad ee Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Dawlaaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika(EAC) kaaso ka dhacay magaaladda Caruusha ee dalka Tanzaniya. Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha Gobolka Bariga Afrika oo ey ka mid yihiin Ganacsiga,Horumarka Kabayaasha Dhaqaalah,Isu socodka Xorta ah ee Badeecadaha iyo dadka,Nabadda iyo Aniga. Wada hadaladaan ayaa ah kuwa muhiim u ah xoojinta isdhexgalka iyo kobcinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika(EAC). Shirka Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa waxaa loogu gogol xaarayaa Shirka Madaxda Wadamadda Bariga Afrika iyo munaasabad heer sare ah oo loogu dabaal degaayo sannad guuradii 25-aad ee Bulshada Bariga Afrika (EAC). Ka qeybgalka firfurcoon ee Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida ey uga go’an tahay in si dhexgalka Gobolka iyo hamigeeda ku aadan iney si rasmi ah ugu biirto Bulshada Bariga Afrika (EAC). Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeybgeli doono shirka Madaxda Dawalad Goboleedyadda isagoo dib u xaqiijin doono in Soomaaliya ey la jaan qaadi doonto hiigsiga Baraiga Afrika (EAC) oo mideysan oo barwaaqo ah.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO SI DIIRAN LOOGU SOO…

Next
Next

SOOMAALIYA IYO SERBIYA OO HESHIIS KALA SAXIIXDAY.