SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA 46-AAD…

(SAWIRKA)-ASTAANTA XIRIIRKA KUBADDA CAGTA AFRIKA.

(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda Itoobiya ayaa sheegaayo in Shirweynihii 46-aad ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Talaada ah 22/10/24-ka ka dhaco Magaaladda Addis Ababa ee dalka Itobiya,shirkaan ayaa waxaa isugu imaan doono Madaxda iyo Wufuuda Ururadda Xubnaha ka ah CAF. Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Afrika(CAF) Md.Dr.Patrice Motsepe iyo Xogahahay Guud ee CAF Md.Veron Mosengo-Omba ayaa hogaamin doona doodaha iyadoo ey munaasabaddu bilaabaneyso tobanka subaxnimo ee waqtiga Itobiya,shirka ayaa waxa uu ka dhacayaa Hotel-ka Sky-Light. Isku soo wada duub sannadkaan ayaa ah mid muhiim u ah Kubadda Cagta Afrika iyadoo ey ka soo qeybgaleen wufuud ka kala socoto Ururadda Xubnaha ka ah CAF, Ururadda Aagaga iyo dad caan ka ah Kubadda Cagta Adduunka. Dr.Motsepe ayaa la filaa inuu iftimiyo guulaha CAF ee sannadkii la soo dhaafay ee uu soo bandhigay hindiseyaal cusub oo lagu horumarinaayo kobaca iyo maalgashiga Kubadda Cagta Afrika. Ajendaha shirka Talaadada waxaa ka mid ah Warbixinta Waxqabadka sannadada 2023 ilaa 2024-ka iyo sidoo kale Warbixinta Maaliyadda iyo Miisaaniyadda sannadeedka 2024 ilaa 2025-ka.

ISHA-CAF.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

TURKIGA: WARSHADO LA WEERARAY.

Next
Next

MEYDKII XILDHIBAAN YUUSUF XUSEEN AXMED OO.