SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA….

(SAWIRKA)-RW-XASMA OO FADHIYA SHIRKA SEOUL.

(SEOUL)-Reysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyey shir Madaxeedka Kuuriyadda Koonfureed iyo Afrika,Reysal Wasaare Xamsa ayaa ka hadlay ahmiyadda ey leedahay in Jamhuuriyadda Kuuriya iyo dalalka Qaaradda Afrika ey iska kaashadaan dhinacyadda Ganacsiga,Farsamadda iyo Teknolojiyadda. Reysal Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Qaaradda Afrika ey horumar wanaagsan ka sameyneyso isbedelka dhaqaalaha iyo horumarka Bulshadda,isla markaasne Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika uu abuuraayo fursado maalgashi iyo iskaashi dhinaca Ganacsiga. Reysal Wasaare Xamsa waxa uu ka hadlay in dalka Soomaaliya uu dhaco goob Istaraatiiji ah oo isku xireyso Qaaradaha Afrika iyo Asiya,isla markaane alle ugu deeqay kheyraad dabiici ah,isagoo intaas raaciyey in Dawladda Federaalka Soomaaliya ey guulo waa weyn ka gaartay dhinacyadda Amniga,Siyaasadda iyo Horumarinta nidaamka dhaqaalaha iyo waliba sharciyadda ee dalka,ee fududeynaayo maalgashiga caalamiga ah. Reysal Wasaare Xamsa ayaa sheegay inuu rajyanaayo in waaya-aragnimada Kuuriyadda Koonfureed ee dhinacyadda Farsamadda,Teknolojiyadda iyo caafimaafka ey door wanaagsan ka ciyaari karaan waaga cusub ee iskaashi ee u bilawday wadamadda Qaaradda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

ISHA/OPM.

Previous
Previous

TALIYAHA CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED OO BOOQASHO KU…

Next
Next

WASIIR AXMED MACALLIN FIQI OO SOO GAARAY NEW YORK.