SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIR KA DHACAY NAIROBI.
(SAWIRKA)-SHIRKII NAIROBI.
(NAIROBI)-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Maxamed Adan Macallin iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa si wadajir ah magaaladda Nairobi uga furay Shirka Xoojinta Mashruuca Isku Xirka Digital-ka ee wadamadda Bariga Afrika. Ujeedka Shirka oo ah in Gobolka Bariga Afrika yeesho xiriir iskaashi oo ku saasban dhanka isku xirka Isgaarsiinta,Horumarinta Ganacsiga,la tacaalid Musiibooyinka degaanka iyo is dhexgalka dhaqaalaha. Wasiir Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Md.Maxamed Soomaali ayaa sharaxay muhimadda uu leeyahay Mashruucaan,maadaama kaalin uu ka qaadan doono is dhexgalka xiriirka ganacsiga,xogta isu gudubka xuduudaha iyo isku xirka Internet-ka. Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa bogaadisay heerka uu soo gaaray Mashruucaan marka loo eego Wadamadda uu ka socdo,waxa eyna u mahadcelisay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee XFS dadaalka uu ugu jiro ka miro dhallintiisa. Sidoo kale,Shirkaan waxaa ka qeybgalay Maareeyaha Hayadda Saybarka,Maareeye Ku-xigeenka Hayadda Isgaarsiinta Qaranka,Madaxa Mashruuca EA-RDIP iyo masuuliyiin kale. Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda waxa ey dadaal ugu jirtaa sidii looga faa’iideysan lahaay baahinta Internet-ka si kor loogu qaado Dhaqaalaha iyo Horumarka dalka.
ISHA/SNTV.