SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY DHIRKA 52-AAD…
(SAWIRKA)-SHIRKA 52-AAD EE CANSHUURAHA BARIGA AFRIKA.
(NAIROBI)-Shirkii 52-aad ee Maamuleyaasha Dakhliga Bariga Afrika (EARACG) ayaa maanta oo Isniin ah kuna beegan 18-ka bisha Noofembar-2024-ka waxa uu si rasmi ah uga furmay magaaladda Nayrobi ee dalka Kenya,shirka ayaa loogu talagalay inuu socdo muddo dhan ilaa laba maalmood (18/11-19/11/24). Shirkaan ayaa waxaa martigeliyey Hayadda Canshuuraha ee dalka Kenya (KRA),kulankaan waxa uu isu keenayaa Gudoomiyeyaasha Guud ee Maamuladda Dakhliga Bariga Afrika si ey uga wada hadlaan caqabadaha Canshuurta Gobolka iyo Xalkeeda. Qodobada Ajendaha ee shirka 52-aad ayaa ah ”Ansixinta Ajendaha, Bayaanka (EARA) ee Waxqabadka, Warbixinta (EARATC), Shaqooyinka Dhammaystiran iyo Shaqooyinka Socda”. Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgelaayo Gudiyadda Guud ee ka socdo wadamada kala ah”Burundi, Janhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo, Kenya, Ruwanda, Soomaaliya,Koonfurta Suudaan, Tanzaaniya, Ugaandha iyo Maamulayaasha Canshuuraha ee Zanzibar iyo sidoo kale xubno ka socdo Gudiga Farsamada ee Maamuladda Canshuurta ee Bariga Afrika (EARATC) iyo Wakiilo kale oo sare iyo khabiiro Farsamo ee Kastamka,Canshuuraha Gudaha, Adeegyadda Sharciga,Baaritaanada iyo daacadnimada. Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda XFS Md.Feysal Maxamed Xaashi ayaa ka qeybgalay shirka Maareeyayaasha Hayaddaha Dakhliga ee Gobolka Geeska Afrika (EARACGM) ka dib markii ey Soomaaliya xubin rasmi ah ka noqotay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika. Agaasime Feysal Maxamed Xaashi ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashigga Dhaqaalaha Bariga Afrika uu fursad u yahay xoojinta wadaaga dhaqaale ee gobolka,isagoo xusay in Soomaaliya ey diyaar u tahay iney iskaashi la yeelato Hayaddaha Dakhliga Gobolka si ey kor ugu qaado Dakhligeed Gudaha.
SB-MEDIA.