SOOMAALIYA MAKU GUULAYSAN DOONTAA…
(SAWIRKA)-XARUNTA AU-DA.
(MUQDISHO)-Wararka imaanayo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in dawladaha Soomaaliya iyo Kenya oo hadana deris ah ayaa haatan si weyn ugu loolamaayo Hogaanka sare ee Ururka Midawga Afrika,waxaane doorashadda xilkaasi lagu wadaa in qabto bisha Feberaayo ee soo socoto sannadka-2025-ka. Xilkaan ayaa waxaa u tartami kara tartamayaal ka soo jeedo Bariga Afrika,waxaane horay loo faafiyey in xilkaan ey tartamayaan Dumarka Bariga Afrika balse weli waxaan kala cadeeyn in go’aankaasi isbedel ku yimid iyo in kale. Shalay oo Jimca ahayd waxaa xarunta Ururka Midawga Afrika ka dhacay shir looga hadlaayey arrimaha doorashada Xilka Gudomiyaha Ururka Midawga Afrika ee soo socda,shirkaan ayaa waxaa isugu yimid Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Qaaradda Afrika balse dhinaca Soomaaliya ayaa shirkaan waxaa ku metelaayey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Md.C/laahi Maxamed Warfaa,shirka ayaa ahaay mid ey leeyihiin Golaha Fulinta ee Ururka Midawga Afrika,waxaane shir gudoominaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Muritaaniya Dr.Maxamed Salem Ould.
ISHA/CAASIMADDA.