SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO KALA SAXIIXDAY HESH…

(SAWIRKA)-WASIIRADDA G/DHIGA SOOMAALIYA ITO TURKIGA.

(ANKARA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa sheegaayo in dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ey qaadeen talaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinaayo xiriirka labada dal,arrintaan ayaa timid ka dib markii Wasiirka G/dhiga DFS Md.C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) iyo dhigiisa dalka Turkiga Wasiirka G/dhiga dalka Turkiga Md.Yaser Guler,labada masuul ayaa kala sxiixday heshiis iskaashi maaliyadeed oo diiradda lagu saaraayo iskaashiga dhinaca difaaca. Heshiiskaan taariikhiga ah ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan,kobcinta iskaashi faa’iido u leh labada dhinaca,waxaane heshiiskaan lagu kala saxiixday kulan heer sare ah oo ey ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan labada dawladood,iyadoo heshiiskan lagu soo bandhigay sida ey uga go’an tahay dalka Turkiga iney Soomaaliya ka taageeraan dib u soo kabashada iyo dadaaladda horumarineed ee socda. Iskaashigaan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah dalka Soomaaliya oo sii xoojineyso dib u dhiska ciidamadeeda,ka dib sannado badan oo colaad iyo xasilooni darro ah. Sida ku cad heshiiska,dalka Turkiga waxa uu bixin doonaa kaalmo dhaqaale oo logu talagalay mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah ee Mileteriga Soomaaliya,taaso ka mid ah maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah kuwaaso lagama maarmaan u ah kor u qaadista tayadda Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

KOOXDA BOKO XAARAAM OO WEERARTAY…

Next
Next

RW-DHAAY OO KA QEYBGALAY XIL WAREEJIN.