SOOMAALIYA IYO INGIRIISKA OO KA WADA HADLAY…

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO STEPHAN.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanyo caasimadda Muqdisho ee dalka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Boqortooyada Ingiriiska Md.James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid dalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga,tayeynta ciidamadda iyo la dagaalanka Argagixisada oo hadda maraayo heer wanaagsan,taaso suurtagelisay in Soomaaliya ey ka gudubtay marxalado adag oo ey ka mid tahay qaadista cunaqabateynta Hubka. Mdaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyey Boqortooyada Ingiriiska doorka ey ka qaadayo tababarida ciidamadda Soomaaliyeed xilli ey Soomaaliya isu diyaarineyso la wareegidda masuuliyadda Amni ee dalka Soomaaliya ka dib bixitaanka qeybaha ka harsan ciidamadda ATMIS. Dhinaca kale, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga ee Boqortooyada Ingiriiska James Stephan ayaa bogaadiyey horumarada muuqda ee ey si wadajir ah ugu talaabsadeen shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed isaga oo xusay sida ey uga go’an tahay dawladiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaalanka ee ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Boqortooyadda Ingiriiska.

ISHA/VILLA SOMALIA.

Previous
Previous

KENYA OO DANJIRE CUSUB OO MAGACAWDAY SOOMAALIYA.

Next
Next

MASAR IYO ERITEREEYA OO KA HADLAY DAMACA ITOOBIYA.