SOOMAALI LAGU MAXKAMADEYNAAYO MALTA.

6f9977865a424b64da6668c2f2b94c1938ade063-1631806142-176f7c92-960x640.jpeg

Sida uu qoray wargays ka soo baxo dalka Malta ee la yiraahdo TIMES MALTA nin ka mida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Malta ayaa waxaa lagu qabtay lacag Kaash ah isagoo kala duulayo garoonka diyaaradaha,lacagta lagu qabtay ninkaan Soomaliga ah ayaa lagu sheegay ineey dhantahay 160,000-yuuro una dhiganto($188,248)-oo doolarka Maraykanka ah.

Ninka lagu qabtay lacagta faraha badan una dhashay Soomaliya ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Muuse Cigaal waane afartan jir,Cali ayaa waxaa loo dhaadhiciyey maxkamadda isagoo laga keenay xabsigii u ku jiray tan iyo bishii hore ee Agoosto seddex iyo labaatankeedii-2021-ka. Cali ayaa la xiray 22/8/2021-kii isagoo diyaard ugu safraayey magaaladda Istambuul ee dalka Turkiga ka dib markii shandadiisa laga helay lacag dhan 160,000-yuuro,lacagta laga helay Cali ayaa wada ahayd Kaash waxaane dalka Malta la ogol yahay inaad garoonka kala duushid lacag dhan toban kun oo yuuro.Cali ayey Jaaliyadda Soomaaliyeed ku sifeeyeen inuu yahay hogaamiye la rumaysan yahay waxa uuna Cali ku noolaay dalka Malta muddo dhan sideed sano,Cali ayey meheradiisu ahayd Timo Xiire iyo dharka uu uu toli jiray. Cali ayaa laga yabaa in booliska Malta ku soo eedeeyo inuu dalka ka saaraayey lacag aan sharci ahayn iyo inuu Cali ka baxsanaayey canshuurta waayo Cali ayaa ku guul daraystay inuu cadeeyo dakhliga soo galay sannadadii 2018-kii iyo 2020-kii.XIGASHO TIMES MALTA.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

BARFASOOR KUURIYAN AH OO SOOMAALIYA IYO AFGAANISTAAN KU SHEEGAY.

Next
Next

JARMAL OO MAXKAMADEYNAYO DAGAALYAHANO.