SINGABUUR OO DIL TOOGASHA AH KU FULISAY….
(SINGABURR)-Dalka Singabuur waxaa maanta oo Arbaca ah(27/4/22)-ka lagu toogtay nin u dhashay dalka Malaysiya kuna eedeysanay inuu si tuugaysi ah dalka Singabuur ku soo geliyey maandooriye,ninkaan ayaa dilka toogashada ah lagu fuliyey ka dib markii ey maxkamadda iska diiday in ninkaan dhimirka la’a yahay. Nagaenthran K.Dharmalingam oo 34-ji ah ayaa ahaay dil suge mudo dhan toban sano ka dib markii lagu qabtay maandooriyaha HEROIN isagoo ka keenay dalka Malaysiya soona gelinaayo dalka Singabuur,maandooriyaha lagu qabtay ninkaan reer Malaysiya ah ayaa dhamaay 43-garaam,mid ka mida masuuliyiinta magaaladda lagu toogtay ninkaan Malaysiyaanka ah ayaa yiri”Ciqaabta dilka ah ee lagu fuliyo kuwa gala dembiyada la xiriiro maandooriyaha waxa eey digniin cad u tahay kuwa maandooriyaha ka soo tilaabiyo xuduudyadda”.
XIGASHO AP