SIMINAAR LOO FURAY MASUULIYIIN KA TIRSAN DFS.
(SAWIRKA)-XOGHAYAH GUUD EE XAFIISKA REYSAL WASAARAHA.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Muqdisho ayaa sheegaayo in Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Kamaal Daahir Guutaale uu furay Siminaar aqoon isweydaarsi ah kuna saabsan Qabya-Qoraalka Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo kala Xadeynta Waajibaadka Wasaaradaha iyo Hayadah Dawladda Federaalka Soomaaliya. Kulankaan oo ey ka soo qeybgaleen Madaxda iyo Wakiilo ka socday Hayadaha Dawladda ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo wada shaqeynta iyo isku duba ridka shaqooyinka Hayadaha kala duwaan ee Dawaladda. Aqoon isweydaarsiga ayaa xooga lagu saaray sidii loo kala cadeyn lahaay Waajibaadka Wasaaradaha iyo Hayadaha si loo hubiyo habsami u socodka hawlaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul wanaaga. Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Reysal Wasaaraha DFS Md.Guutaale ayaa carabka ku adkeeyey muhimadda ey leedahay wada shaqeynta Hayadaha DFS iyo in la helo xeer cad oo hagaayo nidaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si loo gaaro adeeg hufan oo ka jawaabaayo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.
ISHA/OPM.