SHIRKII GOLAHA WADA TASHIGA QARANKA OO LA SOO…
GOLAHA WADA TASHIGA QARANKA.
(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaaladda Muqdisho ka socday shir u dhexeeyey Dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaalioyeed ee shanta ah,arrimaha kulankaan ayaa waxaa ugu cuslaay arrinta la dagaalanka kooxda Alshabaab kaaso hadda ka socdo dhawr meelood oo kala gedisan kana mida maamuladda H/shabeele iyo Galmudug. Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa aad u doonaysa ineey ka takhalusto kooxda Alshabaab oo laf dhuun gashay ku noqotay horumarka dalka Soomaaliya gaar ahaan Goboladda Dhexe iyo Gobolada Koonfureed eey kooxdu ka waday baabi’inta shacabka dego degaanadaas waane tan hadda keentay in shacabku hormuud ka noqdo dagaalka Alshabaab,shirka ayaa waxaa kaloo looga hadlay arrimaha abaaraha iyo sidii dadka ku waxyeeloobay wax loogu qaban lahaay,ugu dambayntii shirka oo socday waqti ka dheer waqtigii loogu talagalay ayaa waxaa laga soo saaray War Saxaafadeed eyna wada saxiixeen dhammaan qeybihii ka qeybgalay.
ISHA WARKA SB-MEDIA(SOMALIA).