SHIRKII AAN CAADIGA AHAYN OO SOO DHAM…

(SAWIRKA)-SHIRKII RIYAAD.

(RIYAD)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud ayaa khudbad ka jeediyey shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee dawladaha Xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaaladda Riyaad ee ah caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudiga,shirka ayaa looga hadlaayey xaaladaha Amni iyo mida Bani’adanimo ee ka taagan dalka Lubnaan iyo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal jeedintiisa ku dul istaagay baaxadda uu leeyahay Khasaaraha gaaray shacabka Biri-mageydada ah ee reer Falastiin iyo Lubnaan,Xasuuqa aan loo meel dayin iyo burburka kaabayaasha nolosha,isaga oo soo bandhigay mawqifka dawladda Soomaaliya ee xalka nabad waarta oo ka hana qaada Bariga dhexe. “Qadiyadda Marinka Gaza,waa mid ka gun weyn Siyaasad iyo Afkaar intaba,waxa eyna salka ku haysaa Xuquuqda Aadanaha,Karaamadda iyo Cadaaladda. Xalka nabad waarta ee Gobolka Bariga dhexe ka dhalata ayaa ku imaan kara oo kaliyah in sameeyo dawlad ey iska leeyihiih dadka reer Falastiin taaso leh xuduudaheedii sannadkii 1967-dii caasimadadeeduna tahay Qudus”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Madaxda Dawladaha shirka ka qeybgelaayo iyo beesha caalamka in la qaado talaabooyin wadajir ah oo gurmad deg deg ah lagu gaarsiinaayo shacabka dhibaateysan waxa uuna Madaxweyne Xasan sheekh soo jeediyey in la dhaqan geliyo Xabad Joojin Deg Deg ah isla markaasne dib loogu laabto miiska wada hadaladda.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO QEYGELEYSA KULANKA 18-AAD.

Next
Next

LABADA AQAL EE BJFS OO ANSIXIYEY GUDIGA DOOR…