SHIRKADAHA DHOOFIYA KHAT-KA ITOOBIYA OO…

JAADKA ITOOBIYA.

(ADDIS ABABA)-Dalalka Itoobiya iyo Kenya waxa eey ka mid yihiin dalalka Soomaaliya u soo dhoofiya Khat-ka kana sameeyo lacag fara badan oo gaareyso malaayiin doolar todobaadkii,suuqa Khat-ka ee Afrikada Bari waa Soomaaliya iyo Jabuuti. Khat-ka ka yimaado dalka Itoobiya(HARARI) lana keeno Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxa uu ka yimaadaa dalka Itoobiya halka Khat-ka ka yimaado dalka Kenya(MIRAW) la geeyo Magaaladda Muqdisho iyo goboladda qaarkood,Khat-ka Miraw-ga ayaa la furay suuqiisa dhawn markii MW-Xasan Sheekh uu booqday dalkaasi Kenya doorashadiisa(15/5/22)-k ka dib,hadaba beeraaleyda Khat-ka iyo ganacsatada Khat-ka ee Hararghe iyo Oromada ayaa dacwad ka ah in si khasab ah looga saaray suuqa Khat-ka ka dib markii xukuumadda Itoobiya soo gashay dhoofinta Khat-ka ayadoo soo martay shirkadaheeda. Ganacsato la hadashay wargayska Addis Standard ayaa sheegtay ineey sameeyeen urur la yiraahdo BIFTU BAHA OROMA laba sano ka hor ururkaan ayaa waxaa si farsameeysan looga dhigay banaanka suuqa Khat-ka ayadoo la adeegsanaayo kuwa aan sharci u haysn ineey la socdaan suuqa Khat-ka ka dibne waxaa dhacday in xukuumadda Itoobiya keento dad eey ayada wadato ineey wax kasta la wareegaa si xoog ah.

ISHA WARKA AS.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DIYAARADAHA DAGAALKA ITOOBIYA OO DILAY…

Next
Next

NINKII DILAY MUSLIMIINTA OO MAXKAMAD KA SOO…