SHIRKA ISBEDELKA CIMILADDA OO MAANTA OO DHAMANAYA.
(SAWIRKA)-MEERTADA LIXAAD EE UNEA.
(NAIROBI-KENYA)-Madaxda dawladaha iyo dawladaha ka qeybgelaayo shirka Qaramada Midoobe ee degaanka meertadiisa lixaad(UNEA-6) ee ka socdo magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa Khamiistii shalay ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la iska kaashado sidii wax looga qaban lahaay dhibaatooyinka degaanka iyo isku xiranka isbedeladda cimiladda adduunka,luminta noolaha iyo wasakheynta. Madaxweynah dalka Kenya William Ruto oo ey wehliyaan madax kale oo Afrikaan ah iyo kuwa kale oo aan Afrikaan ahayn ayaa carabka ku adkeeyey in deg deg loo qaado talaabooyin midaysan. MW-Ruto ayaa qiray iney jiraan caqabado qalafsan oo caalami ah balse waxa uu carabka ku adkeeyey doorka muhimka ah ee Hayadda Qaramada Midoobe ee degaanka(UNEA-6) ee samaynta xalalka dhinacyo badan leh oo wax ku ool ah. MW-Ruto oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Marka loo eego baaxadda iyo deg dega ey leedahay dhibaatada jirta ee bani’adanimo iyo nolosha nagu hayso meeraha waxaa lagula tacaali karaa ficil wadareed dhinacyo badan leh oo wax ku ool ah,loona dhan yahay isla markaasne waara ayaa beesha caalamka u sahleyso iney wax ka qabato dhibaatooyinka isbedelka cimiladda,lumintA noolaha iyo wasakhda”. Shirka UNEA-6 ayaa waxaa ka qeybgalay madax ka kala socotay ilaa 193-dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobe,shirka UNEA-6 ayaa lagu magacaabi doonaa Madaxweynaha kaaso ka imaan doono wadamadda Asia Pacific waxaane loo rabaa inuu noqdo nin u dhashay dalka Cumaan lana yiraahdo Cabdalla Bin Cali Caamiri,waxaa kaloo la magacaabi doonaa sideed ku xigeen kuwaaso laba ka mid ah ey ka imaan doonaan Qaaradda Afrika waxaane loo qoondeeyey iney ka yimaadaan dalalka Itoobiya iyo Zambia.
ISHA/AA.