SHIR U DHEXEEYO TURKIGA IYO QAARADDA AFRIKA.
(ISTAMBUUL):Saraakiil iyo ganacsato ka kala socoto dalka Turkiga iyo wadamadda Qaaradda Afrika ayaa shalay oo Khamiis ahayd(21/10/2021)-ka waxa uu shir uga furmay magaaladda Istambuul ee dalka Turkiga.Shirkaas ayaa socon doono(21-22/10/2021)-ka waxaane ka qeybgelaayo 250-wafdi kana kala imaanaayo 41-dal oo Afrika ah waane madashii seddexaad ee u dhexeeyso wadamadda Afrika iyo Turkiga waxaane madasha looga hadlaa dhaqaalaha iyo ganacsiga u dhexeeyo Qaaradda Afrika iyo dalka Turkiga.Dalka Turkiga ayaa tartan adag oo dhinaca ganacsiga ee qaaradda Afrika waxa uu kula jiraa dalka Shiinaha,waxa uuna Turkiga ku leeyahay Qaaradda Afrika 43-safaaradood diyaaradiisana(Turkish Airline) waxa eey tagtaa lixdan(60)-magaalo oo ku yaalo Qaaradda Afrika,xajmiga ganacsi ee ka dhexeeyo Turkiga iyo Qaaradda Afrika oo soo jiray sannado badan ayaa ku dhawaaday $25-bilyan sannadkii 2020-ka sida uu sheegay wasiirka ganacsiga ee dalka Turkiga,dhinaca kalane waxaa la sheegay in xajmiga ganacsi ee u dhexeeyey Qaaradda Afrika iyo dalka Turkiga uu ahaay $5.4-bilyan sannadkii 2003-dii sidaas darteed ganacsiga Turkiga iyo Qaaradda Afrika ayaa kordhay(462.96%) muddo dhan 13-sano.
Ka qeybgalayaasha madasha Turkiga iyo Qaaradda Afrika ee hadda ka socdo dalka Turkiga eeyna ka qeybgelayaan 250-qofood kana kala yimid 41-dal oo Afrika ah ayaa waxaa ka mida laba madaxweyne,hal maxadweyne ku xigeen,29-wasiir,8-wasiir ku xigeen iyo afar hayadood kana socdo Qaaradda Afrika iyo 2000-ganacsade kana kala socday Turkiga iyo Qaaradda Afrika.Wasiirka Ganacsiga ee dalka Soomaaliya Mudane Kahliif Cabdi Cumar kana qeybgelaayo shirka u dhexeeyo Turkiga iyo Qaaradda Afrika kuna saabsan ganacsiga ayaa qiray kaalinta dalka Turkiga ku leeyahay ganacsiga,maalgashiga,Teknoollojiyadda iyo isku duwidd,socodsiinta hawlo badan,wasiir Kahliif ayaa yiri”Ganacsiga u dhexeeyo Soomaaliya iyo Turkiga ayaa soo hagaagay tusaale ahaan ganacsiga labada dal(Soomaaliya iyo Turkiga) wuxuu ahaay $206-milyan sannadkii 2019-kii halkuu sannadkii 2017-kii ka ahaay $144-milyan”,mudada seddexda sana ah ganacsiga labada dal ayaa kordhay($143,05%).
Sannadkii 2010-kii,Soomaaliya waxa eey dalka Turkiga u dirtay badeeco qiimaheedu dhan yahay $1.36-milyam waxa eeyna Soomaaliya isla sannadkaas Turkiga kala timid badeeco qiimaheedu dhan yahay $4.8-milyan,ka dib markii eey shirkadda Albayrak ee laga leeyahay dalka Turkiga la wareegtay maamulka dekadda Muqdisho waxa kor u kacay badeecadda dalka Turkiga u diro Soomaaliya oo waa uu laba laabmay waxa uuna gaaray lacag dhan $37.5-milyan sannadkii 2011-kii,waa eey sii korodhay badeecadda loo diro dalka Soomaaliya kana timaado dalka Turkiga waxa uuna qiimaheedu gaaray $256-milyan sannadkii 2019-kii,sidoo kale waxaa ayadan korortay waxyaabaha Soomaliya u dirto Turkiga kuwaso qiimaheedu gaaray $6.7-milyan,laakinse badeecadda eey Soomaaliya u dirtay dalka Shiinaha ayaa lagu qiyaasay $18-milyan sannadkii 2019-kii halka badeecadda Soomalaiya u dirtay Imaaraatka lagu qiimeeyey iney dhan tahay $195-milyan isla sannadkii 2019-kii,waxaa jirto shirkad kale oo laga leeyahay dalka Turkiga oo maamusho garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho,labadaan shirkadood ayaa ah kuwa ku joogo dalka Soomaaliya heshiisyo waqti dheer eey la saxiixdeen dawladihii ka horeeyey tan hadda jirto waxane shirkadahaan lagu eedeeyaa ineey ku milmeen siyaasadda dalka Soomaliya islamarkaasne eey laaluush aan xad lahayn siiyaan masuuliyiinta Soomaliyeed si eeysan uga hadlin musuqa ka jiro goobaha eey maamulaan(Dekadda iyo Ayraboorka),tusale ahaan dekadda Muqdisho iyo Garoonka Aadan Cadde waxaa ka shaqeeyo shaqaale Ajnabi ah oo waa laga eryay shaqaalihii Soomaalidda ahaay,Dastuurka Soomaaliyana waxa uu sheegaa inaan qof Ajnabi ah la siin karin shaqo uu qaban karo qof Soomaali ah mana lagaga dhaqmo qodobkaas shirkadaha Turkiga ee maamul Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha(Albayrak iyo Favori).Dalka Turkiga waxa uu tirtirid aan loo aaba yeelin kuwada magacyadda qeybaha ciidamadda Soomaaliya ee uu soo tababaro,Soomaaliya waxaa laga isticmaali jiray magacyo gaara oo koox walba loogu yeero sida Cali Xiirane IWM laakinse tan iyo markii uu dalka Madaxweyne ka noqday Farmaajo waxaa soo kordhay magacyo cusub eey wataan ciidamadda uu soo tababaro Turkiga sida Haramcad(Fahad-Carabi ahaan) iyo Gor-Gor kuwaaso hadda ah ciidamo u adeega danaha kooxda hadda haysa taladda Dalka Soomaaliya weerarana ciddii mucaaradda siyaasadooda sidii dhacday Febraayo-2021-ka oo la weeraray hoteel eey deganaayeen labadii madaxweyne ee ka horeeyey Farmaajo(Xasan Sheekh iyo Shariif sheekh Axmed),weerarki ka dhacay Galmudug iyo kan hadda laga cabsi qabo inuu ka dhaco maamulka Galmudug una dhexeeyo Ahlu sunna iyo maamulkaas.XIGASHO WAKAALADAHA.