SHIR KA DHACAY QAAHIRA OO LOOGA HADL..
(SAWIRKA)-WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA SOMALI,MASAR ERITREA.
(QAHIRA)-Wararka laga helaayo caasimada dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DFS Md.Danjire Axmed Macallin Fiqi uu la kulmay dhigiisa dalka Masar Dr. Badr C/Cadhi. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Horumarinta Xasiloonidda Gobolka oo ey ku jiraan dardargelinta Hawgalka Midawga Afrika ee AUSSOM iyo Taageeridda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ee dagaalka kula jira koxda ALshabaab. Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ayaa bogaadiyey socdaalka Wasiirka G/dhiga ee DFS Md.C/qaadir Maxamed Nur uu ku joogo caasimada Qaahira ee dalka Masar, taaso ey Wasiiradu ku tilmaameen tallaabo lo qaaday dhinaca wada shaqeynta labada dal Soomaaliya iyo Masar. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Dr.Badr ayaa ku celceliyey in dalka Masar uu si hagar la’aan ah u taageeraayo Midnimada,Madax-banaanidda iyo Xasiloonidda Soomaaliya,isaga oo xooga saaray dadaaladda wadajirka ah ee lagu xoojinaayo iskaashiga labada dhinac iyo bixinta kaalmo farsamo. Labada Wasiir ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dawladood(Soomaaliya iyo Masar) iyadoo loo maraayo gudiga wadajirka ah ee Wasiiradda iyo in la dhaqangeliyo qodobadii ka soo baxay shirkii dhexmaray Soomaaliya,Masar iyo Eritereeya sannadkii hore 2024-kii, kor u qaadista Amniga Gobolka Geeska Afrika iyo Arrimaha Badda Cas. Dhinaca kale,warar hadda soo baxay ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud oo hadda ku sugan dalka Itoobiya lagu wado inuu gaaro caasimadda dalka Masar ee Qaahira ka dib marka uu dhammaysto booqashadiisa rasmiga ah ee uu ku joogo dalka Itoobiya.
ISHA-GJ