SHIR EY ISUGU IMAAN DOONAAN URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA.

(SAWIRKA)-URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA ADDUUNKA.

(JEDDAH)-Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) ayaa sheegay in Jimcaha ey qaban doonaan shir aan caadi ahayn oo ey yeelanayaan Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda 5-ta bisha Maarso-2024-ka si ey uga wada hadlaan sii socoshada gardarada Isra’iil ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin. Hayadda Islaamiga ah ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay in kal fadhiga uu ka furmi doono xaruntiisa magaaladda Jeddah ee dalka Sacuudiga. Bisha Noofembar ee la soo dhaafay Ururka Iskaashiga Islaanka(OIC) iyo Jaamicadda Carabta ayaa shir wadajir ah ku yeeshay magaaladda caasimadda ah ee Riyad shirkaaso laga soo saaray go’aamo dhawr ah oo ey ka mid yihiin in gudi loo xil saaro sidii ey u soo booqan lahaayeen caasimadaha caalamka iyo sidii loo joojin lahaay dagaalka Isr’aiil kula jirto shacabka reer Falastiin. Weerarad Isra’iil ee Marinka Gaza tan iyo 7-di bishii Oktoobar-2023-kii,dagaalkan ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraayo 30-kun oo qofood una badan caruur iyo haween,halka Isra’iil ey kaga dhinteen 1200-qofood,dagaalka ayaa sidoo kale sababay burbur,barakac iyo xaalad macluul ah oo ka jirta degaanada go’odoonsan ee reer Falastiin.

ISHA/AA.

Previous
Previous

MW-ERDOGAN IYO MW- GEELLE OO KU KULMAY TURKIGA.

Next
Next

CALI BALCAD:”SOOMALIYA MARNA AQBALI MEYSO…”.