SHIL BAABUUR OO KA DHACAY XUDUUDA…

(SAWIRKA)-BAABUURKII GALAY SHILKA.

(ATHENS)-Sida ey shegeen booliska dalka Giriiga shan qofood oo TAHRIIBAYAA ah ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay xuduuda u dhexeyso dalalka Giriiga iyo Turkiga. Baabuurka ayaa waxa uu wedey dad Tahriibayaal ah oo dhan ilaa toban qofood waxa uuna ku socday xawaare aad u sareeyey isaga oo maraayey wadada dhinaceeda khaladka ah si uu uga baxsado bar koontarool ey ciidamdu leeyihiin waxa uuna si xoog ah ugu dhacay gaari kale oo afar lugoodle ah waxaane shilkaas isagana ku geeriyooday darawalki wedey baabuurka afar lugoodlaha ah,sidaas waxaa sheegay booliska dalka Giriiga maanta oo Sabti ah(15/4/23)-ka,dhammaan dadkaan tahriibayey kuna dhintay shilka ayaa weli la soo sheegin magacyadooda iyo dalalka ey u kala dhasheen. FADLAN LA SOCO WIXII INAGU SOO KORDHA.

ISHA WARLA SB-MEDIA.

Previous
Previous

SHIR SEDDEX GEESOOD AH OO KA SOCDO…

Next
Next

800-MAXBUUS OO LA ISDHAAFSADAY GUDAHA YEMAN.