SHEEKO QABSATAY TAHRIIBE REER LIBNAAN AH.

(LIBNAAN):Dalka Libnaan waxaa ka taagan dhibaato aad u xoogan hadeey ahaan lahayd mid dhaqaale,mid amni iyo mid shaqaba waxaane jirto in dalkaas Libnaan hooy u ahaay welina u yahay qaxooti fara badan kana kala yimid dalalka Suuriya iyo Falastiin,dadka reer Libnaan marna lama maqal ineey qeyb ka yihiin dadka gala tahriibka kana soo jeedo dalalka Bariga Dhexe balse hadda uu xaalka Libnaan aad u liito ayaa waxaa la soo sheegaa ineey bilaabeen ineey u tahriibaan qaaradda Yurub sida eey sameeyaan suuriyiinta,Ciraaqiyiinta iyo Falastiiniyiinta kuwaaso ka tahriiba dalalka Turkiga iyo Liibiya,laakinse tahriibayaasha reer Libnaan waxa eey bilaabeen ineey ka tahriibaan gudaha dalkooda Libnaan raacaane dooman.Zayd Xilwa waa nin reer Libnaan ah lehne xaas iyo seddex caruur ah,Zayd ayaa markii uu dalkiisa wanaagsanaay ku shaqeyn jiray lacag dhan lix boqol iyo konton($650)-doolarka Maraykanka ah hadase Zayd waxa uu u shaqeynaayey shirkad si gaara loo yahay waxa uuna mushaar ahaan u qaadanaayey konto($50)-doolarka Maraykanka ah.Dalka Libnaan waxaa ka haajiray dad gaarayo 1,570-qofood oo Suuriyiin ah intii u dhxeeysay bishii Janaayo ilaa Nofemabar-2021-ka sida uu sheegay madaxa xafiiska qaxootiga ee dalka Libnaan Abu Khaalid.Zayd Xilwa waxaa ku sii batay niyad jabka ka haysta nolosha dalkiisa Libnaan waxa uuna muddo dhawr bilood ah saxibadiis iyo ehelkiisaba weydiisanaayey kaalmo dhaqaale,waxa uuna Zayd Xilwa khadka kula sheekeysan jiray saaxibadiisa waxa uuna habeen habeenada ka mida maqlay ineey jiraan dad gudaha dalka Libnaan dadka ka Tahriibiyo geeyana qaaradda Yurub waxaane Zayd loo xaqiijiyey ineey dad ka wadeen libnaan galeena Yurub.Zayd iyo saaxibkiisa eey aadka isugu dhawaayeen Bilaal Muuse ayaa si wadajir waxa eey u go’aansadeen ineey tahriibaan,Zayd Xilwa ayaa go’aansaday ineey raacaan amaba la tahriibaan xaaskiisa iyo caruurtiisa halka Bilaal Muuse uu isagu go’aansaday inuu kaligiis tahriibo markii uu Yurub gaarana u soo dacwoodo xaaskiisa iyo caruurtiisa,waxaane Zayd iyo Bilaal loo sheegay lacagta lagu tahriibinaayo qofka weyn(Rag/Dumar) ineey dhan tahay afar kun($4000)-doolarka Maraykanka ah halka caruurta yihiin laba kun($2000)-doolarka Maraykanka ah,Zayd ayaa waxa uu iibiyey guriisa,baabuurkiisii waxa uuna deyn ka qaatay qaraabadiisa balse waa eey ku filnaan weysay inuu iska bixiyo lacagta looga baahan yahay isaga iyo qoyskiisa laakinse kuwa tahriibinaay Zayd iyo qoyskiisa ayaa qiimaha ka dhimay waxaane laga qaaday Zayd iyo qoyskiisa lacag dhan toban kun($10000)-doolarka Maraykanka ah halkii laga rabay Zayd inuu bixiyo toban iyo afar kun($14000)-doolarka Maraykanka ah,sheekada oo dheer intaan aan uga haro ka akhriso link-ga hoose.

HALKAAN KA AKHRI.

Previous
Previous

KANADA: MACALLIMAD SHAQADA LOOGA ERYEY…

Next
Next

NINKII LAGU XIRAY BAARIIS OO LA SII DAAYEY.