SHANTA MAAMUL GOBOLEED EE SOOMAALIYA OO KU DHAWAAQAY..

SHANTA MAAMUL IYO MW-XASAN SHEEKH.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii eey meesha ka baxday dawladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-dii dalkana uu galay dagaal sokeeye oo qaatay muddo aad u dheer ayaa markii dambe waxaa la isla gaaray in dalka Soomaaliy loo dhiso dawlad Federaal ah kana kooban shan maamul oo mid walba uu leeyahay Madaxweynihiisa, baarlamaankiisa iyo golihiisa wasiiradda una sameeysan qaab sidii dawlad oo kale. Shantaan maamul waxaa ugu da’a weyn maamulka P/land oo soo dhisnaay muddo ka badan labaatan sano halka kuwa kale yihiin kuwa la dhisay wixii ka dambeyey 2012-kii kuna beegneed waqtigii uu MW-Xasan qabtay talada dalka markii ugu horeeysay,hadaba maamuladaan oo u dhaqmaayo ineey dawlado oo kale ayaa ah kuwa noqday laf dhuun gashay waxa eeyna mar walba is-haystaan DFS,arrimaha isqabqabsiga ayaa waxaa loo aaneeyaa ineey hooyo u tahay P/land taaso isu aragta ineey ayada tahay mid leh khibrad hogaamineed taqanane sidii DFS looga soo dhacsan lahaay wixii xuquuqa eey leedahay balse arrinku taas uu ka duwan yahay loona macmeeyey TAYDA LIHI TAADANA KULA LIHI. Shir eey maanta ku yeesheen Aaladda Fogaan Araga(ZOOM)-ka Wasiiradda Maaliyadda ee dhammaan shanta maamul goboleed ee dalka ka jira ayey go’aan ku soo saareen kuna sheegeen ineey jareen dhammaan wada shaqeyntii kala dhexeeysay Wasaaradda Maaliyadda ee DFS waxa eeyna sababta ku sheegeen ineey wasaaradda baalmartay heshiisyo horay loola galay kuwaso aan la cadayn waxa eey yihiin balse la xusay uun tariikhihii lala galay,haddii heshiisyadaan yihiin kuwa jira oo dhab ah waa maxay sababta eey P/land iyo J/landa eey ugu qabsan waayeen dawladdii uu hoigaaminaayey Farmaajo?

ISHA WARKA BS-MEDIA(SOMALIA).

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SUUDAAN OO U YEERTAY SAFIIRKA ITOOBIYA EE KHARTUUM.

Next
Next

S/GUUTO CABDALLA CABDALLA OO DIB U HELAY….