RW-XAMSE OO XILKII U KALA WAREEJIYEY…
(SAWIRKA)-XIL KALA WAREEJIN.
(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa maanta oo Axad ah waxa uu xilkii u kala wareejiyey Wasiiradda Hawlaha Guud,dib u dhiska iyo Guriyeynta Md.Dr.Cilmi Maxamud Nuur iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda oo hadda ah Reysal Wasaare ku xigeenka 2-aad ee XFS Md.C/salaam Cabdi Cali(Dhaay). RW-Xamse ayaa tilmaamay in Wasaaradda Hawlaha Guud ey ka mid tahay Wasaaradaha muhiimka u ah Qaranka Soomaaliyeed isagoo u rajeeyey Wasiirka Cusub Md.Dr.Cilmi inuu dhammaystiro qoroshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aadan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ey ka hirgeliso guud ahaan dalka. RW-Xamse ayaa u mahadceliyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska iyo Gureynta Md.Dhaay sidii xilkasnimada leheed ee uu ugu adeegay Qarankiisa mudadii uu xilka haayey,waxa uuna alle uga baryey Wasiirka cusub inuu u fududeeyo masuuliyada adag ee loo Igmaday.
ISHA-OPM.