RW-XAMSE OO XAFIISKIISA KU QAABILAY…
(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO JAMES SWAN.
(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta oo Talaada ah xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobe u qaabilsan dalka Soomaaliya James Swan kaaso haatan ka soo laabtay magaaladda Kismaayo ee ah caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Jubaland,James Sawn ayaa halkaasi waxa uu kula soo kulmay hogaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan(Madoobe). Kulanka dhexmary Reysal Wasaare Xamse iyo James Swan ayaa looga hadlay sii xoojinta wada shaqeynta u dhexeyso Soomaaliya iyo QM iyadoo si gaar ah looga hadlay taageeradda qorshooyinka mudnaanta u leh DFS. Sidoo kale,kukanka ayaa lagu soo qaaday arrimo la xiriiro doorashooyinka kuwaaso uu hadda ka taagan yahay muran u dhexeeyo hogaanka maamulka Jubaland iyo DFS kuna saabsan doorashadda Qof iyo cod ey wadato DFS. Hogaamiyaha maamulka Jubaland Madoobe ayaa meel adag ka taagan doorashadda Qof iyo Cod ey wadato DFS,waxa uuna Madoobe rabaa inuu qabsado doorasho la mid ah kuwii uu isaga horay u soo qabsaday seddex iyo tobankii sano uu maamulaayey maamulka Jubaland,doorasho dadban oo ka dhacda Jubaland ayaa noqon doonto mid sababta in maamulkaasi uu burburo ama in DFS ey diido aqoonsigiisa.
ISHA-OPM.