RW-XAMSE OO TACSIYEEYEY DHIBKII KA DHACAY LIIDO.

(SAWIRKA)-RW-XAMSE CABDI BARRE.

(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay falkii bahalnimo ey kooxaa Khawaarjta ku xasuuqeen xalay shacabka Soomaaliyeed oo ku fiidsanaayey Xeebta Liido ee magaaladda Muqdisho inuu yahay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suuban oo lagu dabar gooynaayo jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed. “Falkii bahalnimo ee cadawga Khawaarijta waxa uu muujinayaa hadafka Khawaarijta inuu yahay Xasuuqa,dabar goynta iyo daadinta dhiiga dadkeyna qiimaha badan ee Soomaaliyeed”ayuu yiri RW-Xamse. RW-Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaiyeed iney u gurmadaan dadkii dhibaatadu ka soo gaartay Qaraxii xalay ka dhacay Xeebta Liido kuwaaso u baahan in si wadajir ah loogu istaago Gurmadkooda. RW-Xamse Cabdi Barre ayaa Tacsi u diray eheladda dadkii ku dhintay weerarkaas araxan darrada ahaa,isagoo alle uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo intii ku dhaawacantay.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

GUDIGA GURMAD QARAN OO KA SHIRAY QARAXII XEEBTA LIIDO.

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILALKA KA …