RW-XAMSE OO SOO XIRAY SHIRKII 7-AAD EE GARSOORKA.
(SAWIRKA)-HAYADAHA GARSOORKA IYO RW-XAMSE.
(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in aan dawlad wanaag la heli karin oo Musuq-maasuq la ciribtiri karin haddii aan la helin hanaan Garsoor oo lagu wada kalsoon yahay. RW-Xamse oo ka hadlaayey xiritaanka Shirweynihii 7-aad ee Garsoorka dalka,ayaa xusay in Xukuumadda ey xooga saartay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa Garsoorka dalka,si dib loogu soo celiyo kalsoonidii ey shacabka Soomaaliyeed ku qabeen,isagoo adkeeyey muhimadda ey leedahay casriyeynta Garsoorka dalka oo kaalin wanaagsan ka qaadaneysa hufnaanta cadaaladda. “Waxa aad marqaati ka tihiin in isbedel muuqda lagu sameeyey hanaanka Garsoorka dalka,taaso soo celisay kalsoonidii ey dadka Soomaaliyeed ku qabeen nidaamka cadaaladda dalkeyna,tani waxa ey ku timid dadaalkiina”ayuu yiri Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre. RW-Xamse,ayaa tilmaamay in DFS ey ilaalineyso Madax-banaanidda Garsoorka isla markaane ey la garab taagan tahay wax walba oo ey u baahan yihiin,isagoo kula dardaarmay in la tayeeyo Shuruucda iyo Xeerarka kala duwan ey ku shaqeeyaan Garsoorka dalka,meeshana laga saaro wax walba oo aan la jaanqaadi karin Dastuurka iyo Shareecadda Islaamka.
ISHA-OPM.