RW-XAMSE OO MAGACAABAY WASIIRO CUSUB.

(SAWIRKA)-REYSAL WASAARE KU XOGEENKA 2-AAD.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqon doono Xukuumadda DanQaran. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Reysal Wasaaraha ayaa lagu magacaabay Xubno cusub oo ka mid noqon doono Golaha Wasiiradda XFS,waxa eyna wareegta u qorneed sidatan: Reysal Wasaaraha XFS markii uu arkay Q.97-aad faqradiisa 3-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah,Markuu arkay Q-98-aad Faqradiisa 2-aad xarfeheesa A iyo B ee Dastuurka ku meel gaarka ah,Markuu arkay Q-100-aad Xarfihiisa A,B iyo C ee Dastuurka ku meel gaarka ah. Markii uu Reysal Wasaaruhu uu arkay hawsha baaxadda leh ee hortaalo XFS isla markaasne uu Reysal Wasaaruhu Tixgeliyey talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Markii uu Reysal Wasaaruhu garawsaday baahidda loo qabo magacaabista Xubnahaan Golaha Wasiiradda ayuu Reysal Wasaaruhu magacaabay Xubnaha soo socdo: (1)-Md.C/salaan Cabdi Cali(Dhaay),Reysal Wasaare Ku Xigeenla 2-aad ee XFS,waxa uu horay u ahaay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta XFS. (2)-Md.Dr.Cilmi Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta. (3)-Md.Yuusuf Maxamed Adan, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. (4)-Md.Maxamed Axmed Adan, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. (5)-Md.Ilyas Sh.Cumar Abubakar, Wasiirul Dawlaha Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka. (6)-Md.Ismaciil Shire Jamac, Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta. (7)-Md.Maxamed Cismaan Cumar, Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. (8)-Md.Ceynaanshe Yuusuf Xuseen, Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. (9)-Md.Maxamed Yusuf Xasan, Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Kallumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga. (10)-Md.Maxamed Nuur Abubakar, Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. Waa markii ugu horeysay ey yeelato XFS Reysal Wasaare ku Xigeenka 2-aad tan iyo markii laga soo gudbay xukuumadii ku meel gaarka ahayd,magacaabista xilkaan Reysal Wasaare ku xigeenka Labaad ayaa waxa in muddo ah hortaagnaay Reysal Wasaare ku xigeenka 1-aad ee XFS Md.Senitar Saalax Axmed Jaamac ey wehliyaan Xildhibaanada ka soo jeedo Goboladda Waqooyi dalka,waxaane muujad culus ey kaga soo furantay Reysal Wasaare Saalax dhinaca Aqalka Sare waxaane la isku dayey in xilkaas laga xayuubiyo,arrintaan ayaa waxaa si hoos ah u xalisay Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka.

ISHA-OPM.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSO SHIRKA…

Next
Next

GUD.MADAALE OO LA KULMAY SAFIIRKA SHIINAHA.