RW-XAMSE OO KU WAJAHAN RAASKAMBOONI.
(SAWIRKA)-GAROONKA DIYAARADAHA EE RAASKAMBOONI.
(KISMAYO)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka J/Hoose isla markaasne ah caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Jubaland ee Kismaayo ayaa sheegaayo in Taliyaha Ciidamadda Lugta ee Xooga Dalka Soomaaliyeed G/Sare.Khaalid C/laahi Cumar iyo wafdi balaaran oo la socdo ey gaareen Degaanka Raaskambooni,waxaane halkaasi ku soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed. Taliye Khalid ayaa kulamo gaar ah waxa uu la yeeshay taliyeyaasha CXDS waxa uuna kala hadlay arrimaha dagaalka kooxda Alshabaab iyo askarta kasoo goosata Ciidamadda maamulka Jubaland sidii loo soo dhaweyn lahaa. Dhinaca kale,warar aan la xaqiijin lagana helay ilo wareedyo si aad ah ugu dhaw Xafiiska Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegaayo in RW-Xamse iyo wafdi uu hogaaminaayo lagu wado iney tagaan Raaskambooni maanta oo Isniin ah,ujeedka safarka RW-Xamse ayaa lagu sheegay iney tahay dhiirigelinta CXDS iyo soo dhawynta Ciidamadda kasoo goosta Dawlad Goboleedka Jubaland ey hadda is hayaan DFS. Ma la oga xaqiiqadda dhabta ah ee safarka RW-Xamse ee Raaskaambooni balse waxaa la rumeyan yahay inuu yahay mid la xiriira Colaada u dhexeyso DFS iyo maamulka Jubland ee uu Hogaamiyo Axmed Madoobe.
SB-MEDIA.