RW-XAMSE IYO WAFDIGIISA OO U DHOOFAY….

(SAWIRKA)-RW-XAMSE OO GALABTA U DHOOFAY QADAR.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre iyo Wafdi balaaran uu hogaaminaayo ey galabta ka Amababexeen magaaladda Muqdisho iyagoo ku sii jeeda Caasimadda Dawladda Qadar ee Dooxa. Reysal Waasre Xamse Cabdi Barre ayaa magaaladda Dooxa kaga qeybgeli doono shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed,waxa uuna halkaasi ka jeedin doonaa khudbad dhinacya badan taaban doonto. Reysal Wasaaraha ayaa sidoo kale kulamo muhiim ah la yeelan doono Reysal Wasaaraha dalka Qadar Md.Maxamed C/raxman Althani iyo madax kale oo ka tirsan dawladda Qadar. Magaaladda Dooxa ee dalka Qadar ayaa hadda waxaa ku sugan Wasiirul Dawlaha ee Xukuumadda Jamhuuriayadda Federaalka Soomaaliya Md.Cali Cumar(Cali Balcad) kaaso ka yimid caasimadda dalka Gaana ee Akra’a halkaasuu kaga qeybgalay shirkii 45-aad ee gudiga fulinta ee Ururka Midawga Afrika,waxaane shirkaasi Wasiir Balcad ku wehliyey Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya ahne Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Ururka Midawga Afrika ee magaaladda Addis Ababa Md.Warfaa. Dhinaca kale,hadal u muuqday inuu jawaab u yahay hadalkii ka soo yeeray Xildhibaanad Faa’iso Jeyte oo ka tirsan Golaha shacabka ee BJFS oo sheegtay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ey wadahadala la geleyso kooxda Alshabaab wadahadalkuna uu ka dhici doono caasimadda dawladda Qadar ee Dooxa ayaa waxaa bartiisa Twitter-ka maanta soo dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Axmed Macallin Fiqi isagoo sheegay kuwa leh DFS ayaa Alshabaab Dooxa kula shireyso iney yihiin kuwa aan waxgaran caqligoodana uu aad liito eyna ku yar tahay dawlad jeceylka.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

44-SANO KA DIB AYA MEYDKIISA LA SOO HELAY.

Next
Next

JARMALKA OO FASHILYEY WEERAR EY WADAY DAACISH.